Win US$1,000 in our COVID-19 video competition

Send us your Somali language video on how to keep safe from coronavirus and win big prizes

April 14, 2020

Sideed uga qeyb gali kartaa?

Samey filin aad uga hadleyso qaabka aad adiga iyo dadka kale uga ilaalin lahayd Fayraska Corona.

• Muuqaalku waa inuu ahaadaa laba daqiiqo ama ka yar.

• Muuqaalku waa inuu ahaadaa mid ku dheehan maadeysi, madadaalo & halabuur.


• Isticmaal halkudhigga #KahortagCorona.

• Muuqaalkaaga soo gali bogga Tartanka ee Facebook-ga lana wadaag asxaabtaada.

SHURUUDAHA
Tartanka waxuu u furanyahay qof walba, dal & dibad meesha uu doono ha joogo.

• Filinka waa qasab in lagu sameeyo luuqadda af Soomaaliga.

• Waa qasab inuu fariinta uu Filinka ka hadlaayo ay ku saleysnaataa warbixinta iyo macluumaadka ku qoran website-kan (Gaar ahaan fariimaha ka hadlaaya sida uu ku faafo Fayraska & sida looga hortagi karo).

• Xuquuqda Filimka waxaa iska leh dadka sameeyay balse UNDP waxay xaq u leedahay in ay macluumaadka lasoo galiyo u isticmaasho fidinta tartanka iyo in ay wacyi-gelin ku sameyso.

• UNDP waxay xaq u leedahay in ay daabacdo magacyada filim-sameeyayaasha tartanka soo galo

• Dadka Tartanka kasoo qeyb galaayo mas’uuliyad ayaa ka saaran in ay hubiyaan ogolaanshaha dadka filinkooda ka dhex muuqdo (iyo waalidkooda haday caruur yihiin)

• Tartanka loogama soo qeyb gali karo muuqaal/ama sheeko dad kale laga so xaday

• UNDP waxay xaq u leedahay in ay ka joojiso tartanka ciddii ay doonto iyo xilligi aan doonto.

• UNDP waxay xaq u leedahay in ay kordhiso muddada tartanka uu soconaayo.

• UNDP waxay xaq u leedahay in ay badali karto qaabka loo xulaayo dadka guuleystay hadey xal u aragto. Shaqaalaha UNDP iyo xubnaha qoyskooda uma banaana in ay ka qeyb qaataan Tartanka


XULITAANKA
• Muuqaallada buuxiya shuruudaha waxaa lagu soo daabacayaa bogga Tartanka ee Facebook-ga.

• Muuqaalka waxaad sidoo kale ku daabacaysaa bogagga aad baraha bulshada ku leedahay.

Khubaro wariyayaal ah ayaa so xuli doona muuqaalada tartanka ku guuleysta iyagoo qiimeynaya tayada muuqaal-sameynta, xagga madadaalada iyo kuwa loogu xiisaha iyo daawashada badanyahay. Laakin waxa ugu muhiimsan ee la qiimeynaayo waa in muuqaalku uu si wanaagsan u gudbiyaa fariinta saxda ah ee cudurka COVID19.

Kan ugu horeeya waxuu ku guuleysanayaa abaalmarin $1000 ah.
• Muuqaalka labaad waxuu helayaa abaalmarin $300
• Midka sedaxaadna waxuu ku guuleysanayaa $200

Ugu dambeyn nafsadaada halisi ha gelinin marka aad filnnka sameyneysid. Xusuusnow in aad dadka ka fogaatid oo aad is ilaalisid.