Search:  

Home arrow Press Releases arrow QM oo xusaysa sannad-guuradii koowaad ee qaraxyadii Hargeisa
QM oo xusaysa sannad-guuradii koowaad ee qaraxyadii Hargeisa

 29/10/2009

(Nairobi, KENYA) 29 October 2009 – Maanta waxay QM xusaysaa sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay qaraxyadii loo gaystay magaalada Hargeisa. 29kii October 2008, shan qarax ayaa ka dhacay magaalooyinka Hargeisa iyo Bossaso ee waqooyiga Soomaaliya, kuwaas oo mid ka mid ah lagu bartilmaameedsaday  xarun QM  Hargeisa ku leedahay.

Qaraxaas oo ahaa mid gaadhi lagu soo rakibay oo  lala beegsaday  dhismaha xarunta wuxuu sababay dhimashada labo ka mid ahaa xubnaha shaqaalaha QM oo la kala odhan jiray, Mohamed Elmi ‘Geele’ iyo Said Hashi Mohumed, iyadoo ay ku dhaawacmeen lix kale.

Weerraradaasi waxay  ku khasbeen QM inay dib-u-eegid ku samayso hawlgalladeeda, iyadoo si ku-meel-gaadh ah u yaraysay tirada shaqalaha dalka gudihiisa ka hawlgala. Hase yeeshee, QM waxay sii wadday taageerada dadka Soomaaliyeed, iyadoo gaadhsiinaysa gargaar bini’aadannimo dadka tabaalaysan isla markaana dhiirrigelinaysa horumarinta dadka.

“Hal sano kaddib weerarradaas foosha xun, waxaan anigu xushmad dheeraad ah u hayaa saaxiibadayda muujiyey karti dheeraad ah si ay Soomaalida uga caawiyaan in ay ka soo kabtaan colaada iyo dagaallada socday muddada 18ka sano ah, inkastoo ay la kulmayeen halis xad dhaaf ah oo maalinle ah iyo caqabado ku yimaada hawshooda” sidaas waxaa yidhi Mark Bowden, Xidhiidhiyaha  Hawlaha Bini’aadminnimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.“Waqtiyada sidan oo kale ah, waxay QM dib-u-cusboonaysiinaysaa ballanqaadkeeda ku aadan in ay kala shaqeyso Soomaalida sidii ay u xaqiijinlahaayeen horumar waara.”

Iyadoo kala bar dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaar xagga bini’aadannimada ah sababo la xariira dagaallada dib-u-soo-cusboonaaday, masiibooyinka deegaanka, sida daadadka iyo abaaraha awgeed waxay QM kala shaqaynaysaa kuna caawinaysaa dadka Soomaaliyeed dhismaha nabadgelyo waarta iyo dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda. 

Faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xidhiidh Kaltun Hassan, Khabiirka Arrimaha Warbaahinta, Tel: +252 907 432 96 or + 254 724 91 64 40; Email: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it